Xulka Mali oo ka kala cararay xeradii tababarka kaddib dagaal qabsaday & mascot ay ciidamo gelbinayaan

0

(Hadalsame) 12 Jan 2022 – Ciidamo hubaysan ayaa weerar ku qaaday magaalo ku taalla koonfur galbeed Cameroon oo aad ugu dhow saldhig ay isticmaalaan xulalka Mali iyo Gambia oo ka qaybgelaya Africa Cup of Nations.

Xulka Mali ayaa tababarkii ku kala cararay kahor kulanka ay Tunisia kula leeyihiin magaalo u dhow oo Limbe la yiraahdo galabtan taasoo ah ciyaar bilowga Guruub F, sida lagu qoray Cameroon News Agency.

Laacibiinta Brighton ee Yves Bissouma iyo Southampton Moussa Djenepo ayaa u wada safta Mali halka muluqa Manchester United ee Hannibal Mejbri, midka Arsenal ee Omar Rekik iyo midka Nottingham Forest ee Mohamed Drager ay u saftaan Tunisia.

Laba qofood ayaa lasoo sheegayaa inay ku dhinteen rasaastii la is dhaafsanayey taasoo u dhaxaysey fallaago gooni u goosad ah iyo ciidamada dalka Cameroon gaar ahaan suuqa magaalada Buea halka ay 5 qofi dhaawacmeen.

Galbeedka Cameroon ayaa waxaa ruxaya colaad u dhaxaysa dadka Ingiriisku gumaysan jirey ee galbeedka iyo dowladda dalkaasi oo inta badan Faransiisku gumaysan jirey.

Sportsmail ayaa bishii hore sheegay in mascot-ka, Mola the Lion, lagu khasbay inuu xirto jaakadda rasaasta celisa iyadoo ay gelbinayaan ciidamada ammaanku, xilli uu halkaa booqanayey si uu tartanka iidheh ugu sameeyo.

Hadalsame Media