Dekedda Berbera oo xiran muddo ka badan 10 maalmood & dood ka taagan (Daawo)

0

(Berbera) 10 Jan 2022 – Dekedda Berbera ayaa haatan 10 maalmood ka badan xiran, kaddib markii lacag 2 doollar ah lagu soo rogey qof kasta oo dekedda gelaya.

Waxaa sidoo kale howlihii joojiyey ganacsatadii halkaa wax kala soo degi jirey kaddib markii lasoo celiyey muruq-maalkii halkaa ka xoogsan jirey oo ay dadka maxalliga ihi u yaqaannaan ”Fara-cad.”

Dadwayne shacab ah oo siyaabo kala duwan uu nolol-maalmeedkoodu ugu xiran yahay dekeddan oo ay haatan maamusho shirkad hoos tagta DP World ayaa saxaafadda ka hadlay, iyagoo HCTV mariyey baaq ku saabsan in arrintan si dhaqse badan loosoo farageliyo.

”Dadka qaar baaban 2-da doollar maalintii helin” ayay yiraahdeen dadka qaar oo la hadlayey Idaacadda la daawado ee HCTV, iyagoo sheegay in dadka xoogsatada ah albaabka lagasoo xeliyo.

Arrin noocan si u shabbahda ayaa horay looga sheegtay Dekedda Boosaaso oo sidoo kale lagu wareejiyey shirkad hoos tagta DP World oo badiyaa lagu xanto inay dekedaha gobolka ula wareegayso si aanay ula xafiiltamin kuwa Imaaraadka, gaar ahaan kuwa Dubai.

Hadalsame Media