Dhaqan aan horay u jiri jirin oo lagu arkay baraha bulshada & hal su’aal oo ay tahay in la is waydiiyo

0

(Hadalsame) 09 Jan 2022 – Waxaa sanadihii hore jiri jirey aalad la oran jirey Paltak, taasoo ay dhex fadhin jireen dad aysan wax dan ihi ka dhicin iyadoo ay inta badan halkaa uga sheekayn jireen qabyaalad, aflagaaddo iyo waxyaabo kale oo aan anshax lagu larin.

Nasiib wanaag se waagaas saamayn kuma yeelan jirin bulshada waxaana malaha ugu waynayd dadka oo woxoogaa weli miir qabey iyo iyaga oo aan sida maanta ugu badnayn adeegsiga internet-ka iyo baraha bulshada, inta ku jirtaana in waxgarad ah ayay u badnaayeen.

Maanta waxaa Somalia fara ba’an ku haya wax aan u bixiyey ”Tik Tok Politics”, taasoo ku dhisan khiyaali iyo wir wir dhallaan habaabis ah oo ay ka dhashaan go’aamo howltal hamag ah oo ku dhisan inta kun ee daawanaysey niic uu mid meel la taagnaa iwm.

Dadka waxaas dabada ka riixayaa inta badan ma aha duul cilmi & caqli toona u saaxiib ah, qaarkood xitaa waxay muujistaan astaamo laga dheehan karo fayoobi la’aan iyo anshax darro soo jireen ah.

Haddaba, halka arrin ee ay waajibka tahay in diiradda la saaraa waxay tahay in dadka bulshada holaca iyo heehaabka u birbirinaya ee iskaga hadlaya kelmado qaybis iyo qaxar ku baaqaya waa dad qurbaha jooga oo inta dhergey nimcadii Alle siiyey ku kibrey.

Waxaa u dheer, in markii ugu horreeysey taariikhda siyaasadda Somalia ay dadka noocaas ihi heleen dad ay u tirsan yihiin oo kharashaad ku siiya inay sidaa u hadlaan oo dadka isku diraan, ciddii aan ku fikir ahayn caayaan kuna baaqaan go’aamo aysan ka fikirin.

Ha yeeshee, waloow ay nasiib wanaag tahay in dadka dalkii joogaa ay ilaa xad kaba wacyi sarreeyaan qurba-joogta faashiliinta ah ee dhiirrigelinaya dhibaatooyinka dalka, misna waxaa xusid mudan in dadkaasi yihiin dheregsan kana durugsan dhibaatada Somalia oo haddii dhibka ay ku baaqayaan uu bilowdo uusan saamaynaynin, kii markaa dalka joogaana uu raacayo dayuuradda ugu horreeysa.

Haddaba wax is waydii, dhegna ha u dhigin dhabcaalkaas dheregsan iyo midka shilimaadka ku dhurayee ka fikir wixii ay dantaadu ku jirto oo ah wixii ay ummadda dani ugu wada jirto oo ah xasillooni, bash bash & baraare & qofkii diiddan oo tartiib ”orod naga tag” lagu yiraahdo, iyadoo aan laga darin.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media