SADARRADA DHEXDOODA: 3 arrimood oo muhim ah oo muujinaya in aanu Imaaraadku raalligelin mudnayn!

0

(Hadalsame) 09 Jan 2022 – RW Somalia ayaa maalin dhowayd kulan aan rasmi ahayn oo uu la qaatay Danjiraha Imaaraadka Carabta ee Somalia wuxuu kasoo saaray qoraal rasmi ah oo uu ku sheegay inuu raalligelin siiyey Imaaraadka iyo in uu caadiyeeyey xiriirka labada dal oo aan go’in, balse madmadow galay.

Yeelkeede, marka la eego 3 xaaladood Imaaraadku ma mudna raalligelintan la siiyey:

1 – Imaaraadku markii ay DF ka qabatay lacagta, maadaama ay labada dal xiriir soo jireen ah lahaayeen in cidda ay is hayaan uu yahay nidaam markaas jira, balse aysan shacabka Soomaaliyeed ummad ahaan col ula ahayn ma xeerinine waa kuwii joojiyey dhammaanba howlihii ay ka wadeen dalka oo ay ku jireen kuwo samafal, sida xiritaankii isbitaal ay Muqdisho ka fureen. Taasi waxay ka dhigan tahay inuu shacbigii ka aarsaday oo aanu waxba reeban.

2 – Imaaraadku si maangal ah ilaa haatan uma sharrixin waxa ay ahayd lacagta laga qabtay iyo halka ay u socotey, waayo caadi ma aha in dal la iskala soo galo 10 milyan oo bac ama boorso ku jirta.

3 – Xilliga haatan uu Imaaraadku ku dalbanayo raalligelinta oo ah inuu dhowr kartoon oo macaawino ah keenay lafteeda waxaa ku jira laba arrimood oo kala ah:

  • a) Inuu bahdilayo Somalia oo ah dal haatan ay dhibaatooyin badani haystaan, isagoo raalligelinta ku iibsanaya ama ku xirana kaalmada yar ee uu keenay.
  • b) Inuu ka dhex faa’iidaysanayo khilaafka doqonnimada ah ee haatan ka taagan Madaxtooyadii dalka, waayo khilaafku si kasta uu yahay waa mid maxalli ah marka waa khalad inuu dhex boodo dal shisheeye, qof kasta oo dalkaa isticmaala ama la hoos galaana waa khaldan.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media