Waaliddiin ilmohooda geeyey iskuullo aysan xaq u lahayn oo lagu dheggan yahay + xeelad ay isticmaaleen (Dhegeyso)

0

(Hadalsame) 04 Jan 2022 – Kamuunka Södertälje, ayay waalidiintu bilaabeen inay carruurtooda ku diiwaan geliyaan cinwaanka xaafad aysan ku noolayn si ay ilmohoodu u helaan iskuullada fiican ee meelahaa ku yaalla.

Kahor bilowgii fasalkii ugu dambeeyey ayaa waxaa arrintan lagu arkay 10 carruur ah oo ku kala jirey iskuullada förskola, sida uu qorayo warqaadka Länstidningen.

In uu qofku isku diiwaan geliyo cinwaan (address) aanu deganayn  waa arrin qofka gelin karta baxar dhanka sharciga ah.