”Maraykanka fasax ma uma waydiisan doonno weerarka Iiraan!” – Israel oo gooddisey & Iiraan oo taa ku tilmaantay ”falax-gooddin faaruq ah!”

0

(Hadalsame) 03 Jan 2022 – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, Yair Lapid, ayaa si cad u sheegay in dalkiisu uu awood u adeegsan karo xakamaynta horumarka Nukliyeerka ee Iran, isagoo aan la socodsiin ama uga fasax qaadanin Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden.

“Israa’iil waxay sameyn doontaa wax kasta oo ay u baahan tahay si ay u ilaaliso ammaankeeda. Taasna uma baahnin qofna fasaxiisa. Taasi waxay ahayd kiis ilaa maalintii ugu horreysay ee aan aasaasnay ​​dawladdan,” Lapid ayaa sidaa u sheegay hilinka Channel 12 ee Israa’iil maalintii u dambaysay ee sanadkii 2021.

Mar la waydiiyay in wadankiisu uu leeyahay qaabkii uu si guul leh ugu qaadi lahaa weerarka noocaan ah, wasiirka arrimaha dibeddu waxa uu sheegay in “Israa’iil ay leedahay awooddaas iyo xitaa khubarada arrimahan ku xeel dheer, aanay xitaa qiyaasi karin.”

Saraakiisha Israa’iil iyo tira-koobyo militari ayaa ka baaraandegayay inuu dhici karo weerar lagu qaado Iran, tan iyo markii wadahadalka dib u soo nooleynta heshiiskii Nukliyeerka ee 2015 (the Joint Comprehensive Plan of Action, ama JCPOA) ee u dhexeeya Tehraan iyo quwadaha adduunka ay bilowdeen maamulka Biden.

Tehraan ayaa muujisay shakiga ay ka qabto digniinaha ka imanaya Israa’iil, iyada oo ku tilmaantay ‘hajabaado faaruq ah”, inkasta oo ay ballan qaaday in ay jawaab adag ka bixin doonto gardaro kasta.

Sida uu dhigayo heshiiska nukliyeerka JCPOA, Iran waxay ogolaatay inay xakamayso barnaamijkeeda Nukliyeerka si looga qaado cunaqabataynta caalamiga ah.

Madaxwaynihii hore ee Donald Trump si hal dhinacle ah Maraykanka uga saaray JCPOA sanadka 2018-kii, isaga oo ku tilmaamay “heshiiska ugu xumaa abid.” Dawladda Yuhuuda ayaa si buuxda ula wadaagtay aragtidiisaas, iyagoo si adag uga soo horjeedey heshiiska, oo ay geed kasta u fuuleen in gebi ahaanba la xooro.

Intii lagu guda jiray wareysigiisa Jimcihii, Lapid wuxuu sheegay in aysan isu dhiibin “Nidaamka Tehraan” inta lagu guda jirey wadahadallada Vienna. “Israa’iil kama soo horjeedo heshiis wanaagsan, kaliya waxay ka soo horjeedaa heshiis khaldan,” ayuu raaciyay.

Hadalsame Media