Wasaaradda Kalluumaysiga oo qoraal lagu tilmaamay “mid Google lagu doonay” ka samaysay xumbadii lagu arkay xeebaha Xamar (Arag qoraalka)

0

(Muqdisho) 02 Jan 2021 – Wasaaradda Kalluumaysiga ayaa waxa loo yaqaan falanqayn caajis ah (lazy analysis) ku samaysay xumbo saaka lagu arkay xeebaha Muqdisho.

Arrinta ugu darani waa inaysan qoraal kooban oo aan xitaa u dhignayn qaab xirfadaysan oo la fahmi karo uusan meel uga hadlaynin inay meesha tageen oo ay baaritaan sameeyeen, iyadoo ay dadku markiiba saluugeen qoraalkan oo ay ku sheegeen mid “Google lagu raadiyey.”

Qoraalka ayaa lagu bilaabay. Waa Maxay Xumbo Badded ?

Hadii aad koob dhalo ah ku shubto biyaha badda kadibna aad ruxdo waxad arkaysa xumbo iyo boodbodka biyaha, sababtuna waa in ay biyaha baddu yihiin curiyayaal iyo madooyin is ku tagay.

Waxa ay xumbo baddedu abuuranta marka ” dissolved Organic matter in the ocean churned up. ”

Marka organic matter ( waxa ka mid ah curiyashan carbohydrates, lipids, proteins and nucleic acid )
kuwas oo saaid iskugu qasmay sababta oo ah hirarka badda ayaa xoog u kacsan. ( The sea was churned up by heavy winds) .

Xayaabo baddeda ( algae blooms sawirka hoose) ayaa ah kan ugu samayta xun kadib marka organic matter badan oo xayaabo badddu ka qariso oxygen ka waxa ka dhex abuurma xumbo kadibna furka tuurata ilaa xeebta.

Samaysid ka xunbadu way ku kala duwanyihiin badduhu.

Waxa run ah in aysan sun ahayn ama dhib u gaysan karin aadamaha marka laga reebo xumbo uu abuuray xayaabo baddeda sunta ah kaas oo sababi karta dadka ” Asmada iyo foodho xanunka qaba ay dhib u gaysato. ” Badana waaba lodabal iyo damashaad taga.

Meelaha ugu badan ee xumbaddan lagu arko waa ” Pacific Ocean ” Ka.
Kan ugu danbeyey wuxu ah kii San Francisco ugu badna ee ka dhaca.

Dabecadaha badda ayaa ah in qofka aan u kuurgalin uu ku argagaxo amase mucjiso u arko.

Abdirahman Jama Jubba

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda DFS qaybta Deegaanka.

Hadalsame Media