Sirdoonka Galbeedka oo mar qura ku baraarugey in Sucuudigu samaysanayo gantaalaha baalistigga & dalka ka caawinaya (Sawirro dayax-gacmeed oo la faafiyey)

0

(Riyaad) 01 Dis 2021 – Sucuudiga ayaa bilaabay dhismaha gantaalo baalistig ah isagoo weliba gacan ka helaya dalka Shiinaha, iyadoo ay howshu ka socoto saldhig qarsoodi ah, sida ay muujinayaan xogaha sirdoonka Maraykanka iyo muuqaallo dayax-gacmeed.

Waa markii ugu horreeysey ee uu dalkan Khaliijiga ihi uu isku dayo inuu samaysto hub noocan ah, waloow ay horay gantaalo baalistig ah horay uga soo iibsadeen Shiinaha.

Arrintan ayaa wax ka bedeli karta isu dheelli tirka awoodeed ee gobolka, gaar ahaan Sucuudiga iyo Iiraan, iyadoo sawirro la qaaday intii u dhaxaysey Oktoobar 26 ilaa Nofeembar 6 ay muujinayaan saldhig soo saari kara gantaalahan oo ku yaalla meel u dhow Dawadmi, bartamaha Sucuudiga.

Ma cadda sida uu Sucuudigu ku helay tiknolojiyadda xasaasiga ah ee gantaalaha baalistigga, balse saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay in Shiinuhu uu xogtan siiyey Sucuudiga.

Gantaalaha baalistigga ayaa ka mid ah hubka istaraatijiga ah ee dunida ka jira wuxuuna xambaari karaa madaxyo kala duwan oo uu ku jiro nukliyeerku, waxaana aalaaba adag in la qabto.

Hadalsame Media