”Kuwaan jinni Farmaajo ayaa ku dhacay laakiin…” – Akhri Farmaajo oo kaligii iskaga jawaabaya su’aalaha ”Kala Maan”

0

(Hadalsame) 29 Dis 2021 – Waxaan idiin haynaa qoraal kooban oo la yiraahdo ”Kala maan”, kaasoo had iyo goor qaab maad ah loo sameeyo.

FARMAAJAA WUXUU YIRI: Waa kuwaas raggii waasheene, jinni Farmaajo la yiraahdo ku darsoomay, faqa-buraale qabyaaladeedna u shidan yahay oo ay luubaantiisa u baxeysee bal maxaan ka bi’iyey raggan qabyaaladda iila bareeray?

FARMAAJAA KA DABA YIRI: Soo tii aad durbaanta qabyaaladeed tumeysay oo tumeysay oo aad tartiib u maquuraneysay sida in aan lagu arki doonin, luubaanta qabyaadeed ee ay hadda kuwani shidayaan waa intii yareyd ee kaa daadaadatay markii aad burursaneyd ee aad luubaanta booranaha ku harqisay dalka oo dhan illaa gobalka Geeska Afrika oo dhan.

FARMAAJAA WUXUU YIRI: Oo Farmaajow been badanidaa, haddii luubaantii qabyaaladeed ee aan shiday harharaageedii ay raggan dhulka ka uruursadeen ay intan tiro la eg tahay aaway weelkii aan ka soo darayey ee ay iigu jirtay?

FARMAAJAA KA DABA YIRI: Farmaajow adiga uun is weydii, soo tii aad ina bartay “Sir Farmaajo lagama salgaaro” yaa og keydkaaga Farmaajow… Laakiin mid baan kuu hayaa, raggan reer hebel ee kaa soo horjeeda waad waashay, welina waallidii bey ku mirqaansan yihiin, inta ay jidbeysan yihiin oo ay sida awr doobbo dhabanayaan ayey wax walba riiqeen, marka ay miirsadaan xisaab adag ayaa u taalla iyagana.

FARMAAJAA WUXUU YIRI: Waan ku faraxsan nahay haddiiba aniga iyo kuwa iga soo horjeeda aan isku ul garaacan nahay, waayo anigana dowladnimadii ayaan qabyaaladeeyey, iyagana mucaaradnimadii ayey qabyaaladeeyeen oo reer Yaabow aniga Dowladnimada ayaan ku caddaalad darreeyey, iyagana mucaaradnimadii ayey qabyaaladeeyeen oo boos kama aysan siin, waa loo awood sheegtay, marka waa jugjug meeshaada joog.

FARMAAJAA KA DABA YIRI: Farmaajow 4 sano dugsigaaga kutaab fiican kama aflixin, waxaase ka sii daran kuwa iyaga oo aan dugsigaaga dhiganeyn banaanka uun kaga fidnoobay ee aan dib loo dhaqan celin karin, tusaalaha ay hiigsanayaanna ay tahay duruustaadii, allow yaa u sheega runta.

FARMAAJAA WUXUU YIRI: Kolleyba dhowaanahan dowladnimo teyda ka fiican dalkan iyo dadkan ma soo marin, taas ii qira. Kaaga sii darane kuwa aniga i bedelaya kulligood Barnaamijkeyga ayay ku wada taamayaan.

FARMAAJAA KA DABA YIRI: Adigana dowladnimadii fiicneyd ee aad keentay natiijadeedii waad heysataaye ku qanac oo heyso walaalow.

KII LA JOOGAY AYAA YAABAY.

Waxaa Qoray: Abuukar Al-Badri

FG: Aragti kasta waxay ka tarjumaysaa midda qofka ku saxiixan.

Hadalsame Media