Duufaan la yaab leh oo xaaqday magaalooyin ku yaalla dalka Australia & khubarada oo sheegay waxa sababay (Daawo)

0

(Queensland) 21 Dis 2021 – Duufaan ciid ah oo ku socota 109 km saacaddii ayaa xaaqday gobolka woqooyi galbeed ee  Queensland, ee Australia, Axaddii, iyadoo ay saynisyahannu sheegeen in arrintan ay sababtay biriq aad uga dhacaysey gobolkaasi.

 

Bulshooyinka Boulia, Mount Isa, Dajarra iyo Urandangi ayay duufaantan bacaadka ihi ku dhufatay, iyadoo muuqaallo laga soo qaaday laga arki karo duufaanta oo sidii daruur usoo siqaysa, wax u eg xaaladda aflaanta ka sheekeeya dhamaadka dunida.

Duufaantan oo sidoo kale ku socota xowli aan caadi ahayn ayaa xaaqday xaafado badan, iyadoo ay weliba warbaahinta maxalliga ihi sheegayso in dadwaynaha deggan dhulalka fog ee Outpack loo yaqaanno ay khabar daar ka ahaayeen arrintan oo aanay usii digin qolada saadaashu.

Helen Kirkup, oo ah khabiir ka tirsan Qaybta Saadaasha Hawada Australia ee Bureau of Meteorology, ayaa ku doodday in duufaantan oo is haysata ilaa 100 km, ay ka dhalatay biriq iyo hawooyin diirran iyo mid qabow oo is herdiyey.

 

Hadalsame Media