Nin gabar uu doontay oo diiddey aashito wejiga uga bilbilay iyada oo gurigeeda hurdaysa (Olole bilowday)

0

(Baqdaad) 18 Dis 2021 – Muuqaallada naxdinta leh ee Maryam al-Rikabi, ayaa heleeysa farriimo badan oo taageero ah kaddib markii wejiga looga sayray dareere aashito ah, falkaasoo uu kula kacay nin ay guur ka diiddey.

Gabadhan oo ah ardayad ku nool magaalada Baqdaad, ayaa si xun uga doorsoontay wejiga oo ay aad uga gubatey, iyadoo uu weerarku dhacay bisii Juun balse warbaahinta maxalliga ah iyo dadwaynaha ayaa hadda aad u hadal haya.

SIDEE WAX U DHECEEN? Ninka soo doontay ee ay diiddey ayaa guriga qoyskeeda soo galay xilli ay hooyadeed iyo aabbeheed shaqo ku maqnaayeen, kaddibna wejiga ayuu aashitada kala eegtay iyadoo hurdaysa kaddibna wuxuu horay u qaatay telefoonkeedii.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa Khamiistii soo xigatey Golaha Garsoorka Sare ee dalkaasi oo sheegay inay weli baaritaannadu soconayaan, iyadoo uu aabbaha dhibbanuhu codsaday in la ciqaabo ninka dhibkan dhigay, isagoo sheegay in haatan la dumiyey noloshii gabadhiisa.

Kumannaan dad ah ayaa taageero culus u muujiyey al-Rikabi, iyagoo bilaabay Hashtag la yiraahdo “Halla badbaadiyo Amiiro Maryam” iyadoo haatan GoFundMe loogu ururiyey lacag $24,400 gaaraysa. Qolyaha Xuquuqul Insaanka Ciraaq ayaa sheegay in rag badani ay xaasaskooda dilaan.

Dalal badan oo Aasiya ku yaalla ayaa waxaa ka jira dhaqamo aad u xun oo gabdhaha lagula koco sida in ay waalidkeed ama walaaleheed khaarajiyaan haddii ay raacdo nin aysan doonayn ama in uu aashito ku weeraro ninkii ay diidaan.

Hadalsame Media