Maraykanka oo shucaaca laysarka ku ridey meel u dhow xeebaha Somalia + Sawirro

0

(Hadalsame) 18 Dis 2021 – Ciidamada Badda ee Maraykanka ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in ay ku guulaysteen tijaabinta hubka laysarka iyagoo maraya Gacanka Cadmeed taas oo ay kaga hortegayaan khatarta sii kordheysa ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran iyo xulafadeeda, sida la yiri.

Tijaabadan ayaa waxaa sameeyey markabka USS Portland xilli ay marayeen biyaha u dhaxeeya Geeska Afrika iyo Jasiirada Carabta.

Ciidamada badda ee Maraykanka ayaa sheegay in lagu “guulaystey in laysarka lala helo” yoolkiisii sabeynayay. Kooxda Raxanta 5-aad ee fadhigeedu yahay Bariga Dhexe ayaa horey sidan oo kale hubkan u tijaabisey, waxaana sanadkii hore ay isticmaaleen laysar ay ku garaaceen diyaarad aan duuliye lahayn.

Laga soo bilaabo Badda Cas iyo Gacanka Carabta ilaa qaybo ka mid ah Badweynta Hindiya, oo ah meesha Raxanta 5-aad ugu calaamaysan ”Aagga Howlgal”, ayaa dhowaan noqday mid ay ku soo qulqulayaan dayuuradaha aan duuliyaha lahayn.

Tusaale weerar ayaa lala beegsaday markab ay maamusho Israa’iil oo marayey xeebaha Cumaan bishii Luulyo, halkaas oo lagu dilay laba shaqaale ah. Iran ayaa beenisay inay ka dambeysay weerarka.

Hadalsame Media