Qarax xooggan oo ka dhacay magaalo ku taalla Sweden & waxyeello (Dhegeyso)

0

(Hadalsame) 14 Dis 2021 – Qarax xoog badan ayaa ku dhuftay xalay guryo badan oo ku yaalla magaalada Falkenberg. Qaraxa ayaa la sheegayaa in uu khasaaro xoog leh uu soo gaarsiiyay gawaari badan oo xaafadda dhoobnaa. Lama soo sheegin ilaa haatan cid ku geeriyootay qaraxaasi xalay gilgilay Falkenberg.

Kooxaha miinooyinka ku xeeldheer ayaa goobta saakay soo gaaray sida ay sheegeenna ma jiraan noole ku waxyeelloobay qaraxaasi, marka laga soo tago burburka hantiyeed, sida ay sheegtay Idaacadda Sweden.

Guriga uu qaraxu ka dhacay ayaa aad ugu dhow maxaddada, halkaas oo ay ku yaallaan guryo cusub. Dadka deegaanka ayaa saakay laga daad-gureeyay aaggaasi waxaana weli soconaya baaritaannada la xiriira qaraxaasi.

Wixii soo kordha waxaad ku maqli doontaan wararkeenna soo socda.

Hadalsame Media