FALANQAYN: Somalia haatan ma leedahay karti hay’adeed oo ay ku hanato daroonno is wada & dayuurado?!!

0
(Hadalsame) 12 Dis 2021 – Waxaa maalmahan taagan muranka ku aaddan in Somalia ay heshay rac ka tirsan daroonnada Turkiga. In uu dalku helo ciidan difaaca dhulka, cirka & badda waa daruuri haddii aan taa la helinna halis baannu ku jirnaa, ha yeeshee, waxaa loo baahan yahay nidaam lala xisaabtami karo oo mas’uul ah.
 

Aan soo qabto laba shil oo ka mid ah kuwii ugu dambeeyey, maadaama aan aalaaba aad u xusuusan karno wixii dhow. Dadka inta gabar sarkaalad ah oo weliba dadkii soo wadey la yaqaan diley aan ilaa haatan meel saarin ama gaari dhan oo millateri leeyahay oo magaalada bartankeeda inta 2 qof ku diley maalintii xigtey ay dadkii ammaanka ku qaybsanaa dadwaynaha waydiinayeen ”in ay soo sheegaan.”

Haddii daroon iyo diyaarado loo dhiibo soow inta dadka duqeeyaan ma ogin dhihi maayaan? Dad baa lasoo qabtay baa la yiri balse waxay dad badani u fahmayaan mid xaaladda lagu qaboojinayo, haddii ay xitaa run tahayna xisaabtan muuqda iyo tafaasiil ku aaddan sida ay wax u dheceen shacabka lama siinin, oo madaxda haatan joogtaa maba dareensana inay shacabku taa xaq u leeyihiin.

Dalku ha isku fillaado cid diidi kartaa ma jirto mana akhrisanayno siyaasiyiinta qaarkood oo mucaaradnimada u adeegsanaya wax kasta oo ay ku jirto la dagaallanka danaha dalka, balse saas oo ay tahay midda runta ihi waxay tahay in loo baahan yahay nidaam mas’uul ah, lala xisaabtami karo isna isla xisaabtami kara, in xisaab laga gayana dareemi kara oo aan ciyaal wirif cindi yar ahayn.

Tan kale, sababta dayuuradaha, tawaangida & maraakiibta dagaal loogu baahan yahay waa difaaca danaha dalka iyo dadka ee ma aha danaha qofkii dalka xukuma, marka taas si wanaagsan loo kala fahmo loona kala saaro, daroon yar daaye nukliyeerna waan yeelan karnaa.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media