Nooca ay tahay cawaaqib xumada ka dhalan karta doorashada oo iska jiitanta & faragelinta xulista

0

(Hadalsame) 11 Dis 2021 – Jiitanka doorashadu wuxuu keenay in kursi walba buuq la geliyo.

Maanta waxaan daawaday Ugaas leh 275 dawladdu wadato iyo 275 qabaa’ilku wataan ayaa baarlamaanka isugu iman doona ee nin walbow kitaabkii aad ku dhaaran lahayd horay u soo qaado.

Doorashadu waa kalsooni iyo aqbal. Hadday adiga sharci kuula muuqato laakiin aan la aqbalin dawladda ka dhalataa ma noqon doonto mid caafimaad qabta.

Isqancin iyo in qabaa’ilka xorriyad la siiyo waa muhiim. Reeruhu inay dhexdooda is nacaan oo dakanooyin iyo dagaallo baadiyaha ka bilawdaan waa dhici kartaa sidii 60aadkii dhici jirtey.

Dawladda Federaalka, Maamul Goboleedyada iyo Murashaxiinta kulli inay natiijada ay rabaan gacantooda ku samaysanayaan ayaa muuqata.

Laakiin kor waayeel waa wada indho oo waa isu jeedaan.

W; Q: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media