”Fadlan yaan la iga quusanin!” – Farriintii ugu dambaysey ee uu walaashii u diro nin dafiri jirey halista Covid-19!

0

(London) 11 Dis 2021 – Aabbe 42-jir ahaa oo weliba ahaa dadka aadka u faya qaba ee jir-dhiska sameeya ayaa walaashii la mataan ahayd u diray farriin catow ahayd oo uu ku codsanayey ”inaan laga quusanin” kahor intaanu u dhimanin cudurka coronavirus oo uu u dhul yaalley.

John Eyers, oo ahaa khabiir dhanka dhismaha ah oo reer Southport, Merseyside ah, ayaa buuraha Wales korayey kaymahana seexanayey kahor dhimashadiisii bishii Luulyo, taasoo timi 4 todobaad uun kaddib markii uu cudurka, oo uu dafiri jirey, uu haleelay.

Mataantiisii Jenny McCann oo London deggan oo walaalkeed ku tilmaantay ”qofkii ugu caafimaad qab badnaa ee ay abid aragto”, ayaa ka qisaysey sida uu walaalkeed ugu doodi jirey in ”haddii uuba ku dhoco coronavirus uu kaliya heli doono qandho aan sidaa u ridnayn”, isagoo aan weliba qabin wax jirro ah oo kale marka laga reebo neef.

Kahor inta aan lagu xirin neef-siiyaha isbitaalka, Mr Eyers wuxuu la taliyihiisa u sheegay in ay fiicnayd inuu qaato tallaalka oo uu aad u diidi jirey ugana ololayn jirey, isagoo ku dhintay qaybta daryeelka gaarka ah (ICU), isagoo la tacaalayey caabuq daran iyo xubnaha qaar oo shaqayn kari waayey. Wuxuu ka tegey gabar 19-jir ah.

Mrs McCann ayaa sheegtay in walaalkeed uu farriintiisii ugu dambeeysey usoo qoray in yar kahor markii la gelinayey koomada macmalka ah 11-kii Luulyo, isagoo ka baryaya: ”Inaysan dhakhaatiirta ka yeelin in laga quusto.”

Yeelkeede, xaalka Mr Eyers’ ayaa kasii dartay iyadoo 27-kii Juulyo qoyskiisa oo fadhiya sariirtii uu ku sakaraadayey dhinaceeda loo sheegay in uu dhimanayo, isagoo dhintay gelinkii dambe ee maalintaasi.

Mrs McCann, oo ku nool Pinner, North West London, oo tallaalkii 1-aad qaadatay Maajo 10, ayaa walaalkeed ku sheegtay mid si wayn u diidi jirey tallaalka Covid-19 (anti-vaxxer), iyadoo tilmaantay inay xitaa qoyska ku kala dhinteen arrintaasi.

Hadalsame Media