RASMI: Abaanduulkii Ciidanka Hindiya, xaaskiisii & 11 kale oo ku dhintay shilkii saaka

0

(Hadalsame) 08 Dis 2021 – Abaanduulkii Ciidanka Hindiya, Jeneral Bipin Rawat, xaaskiisii iyo 11 kae ayaa la xaqiijiyey inay ku xijaabteen dayuurad qumaati u kacda oo saaka ku burburtay koonfurta Tamil Nadu, gaar ahaan meel u dhow magaalada Coonoor aroortii xilliga GMT.

Dayuuradda la burburtay ayaa ahayd nooca Ruush-sameega ah ee Mi-17V5 taasoo ka timid saldhig-cireed una socotey Dugsi ay leeyihiin ciidamadu.

Sababta shilka weli lama qayixin, balse waxaa soconaya baaritaanno hordhac ah.

Ciidanka Cirka ayaa sheegay in hal sarkaal oo ah kabtan Varun Singh, uu shilka ka badbaadey oo lagu dabiibayo isbitaal ciidan oo aagga ku yaalla.

Hadalsame Media