Finland oo JAC ku dhejisey dalka Sweden & waxa dhacay + Jaantus

0

(Helsinki) 06 Dis 2021 – Ciidanka Cirka Finland ayaa jac ku dhejiyey Sweden oo ka sugaysey dalab dhanka dayuuradaha guuxooda ka dheereeya ah iyadoo la sheegayo inay u bayri doonaan dhanka shirkadda Maraykanka ee Lockheed Martin.

Finland oo laga filayey in ay dalban doonto dayuuradaha ay samayso shirkadda Swedish-ka ah ee SAAB ee Jas 39 Gripen oo ay horayna u haysatey, ayaa haatan doorbidaysa nooca F-35, sida lagu qoray warqaadka Iltalehti.

Finland ayaa dayuuradda F-35 ee casriga ah u dooratay inay tahay mid ka cimri dheer kana bandhig wanaagsan dhiggeeda Swedish-ka ah, sida uu qorayo wargaysku.

Wasiir Dibadeedka Finlad, Pekka Haavisto, iyo RW Sanna Marin ayaa horay Idaacadda Sweden ugu sheegay inay raaci doonaan dookha Wasaaradda Gaashaandhigga, iyadoo dalabka lagu wado inuu soo dhamaystirmo kahor dhamaadka bishan Diseembar.

ISU EEG:

Labada dayuuradood waxaa dheereeysa isla markaana masaafo dheer gaari karta midda Swedish-ka oo ah Mach 2, halka F-35 uu yahay Mach 1-6, balse dhanka halka ugu sarreeysa ee ay gaari karaan waxaa sarreeysa midda Maraykanka oo sare tegi karta ilaa 60,000 oo cagood marka loo eego Jas Gripen 39 oo ah 50,000.

Hadalsame Media