Dood dhanka NAXWAHA ah oo ka dhalatay qoraal uu sameeyey Yuusuf Garaad (Maxaa laga yiri?)

0

(Hadalsame) 06 Dis 2021 – Yuusuf Garaad oo ah siyaasi & weriye ruug caddaa ah ayaa qoraal kooban ka sameeyey erayo uu sheegay in si khaldan loo adeegsado isagoo u dhigay sidatan:

”Afduubasho ma aha ee waa afduub.”
Waa la afduubay ee lama afduuban.”

Yeelkeede, dad badan ayaa markiiba keenay dood ku saabsan in adeegsiga erayadaasi aysan khaldanayn e ay marleeyba ku xiran yihiin ujeedka laga leeyahay iyo qaabka ay jumlada ugu jiraan naxwe ahaan.

Cabdulqaadir Diiriye oo aad Soomaaliga wax ugu qora ayaa sameeyey qoraal yar oo uu ku naqdinayo aragtida Yuusuf Garaad isagoo leh:

”Mudane Yuusuf Garaad, qofka baabuur lagula cararo lama qaadin ee waa la qaatay. Qofka la xirxiro oo lala tagana waa la afduubtay. Geedka xabagta laga rabo waa la daqraa/daqradaa. Farqigu waa in qofka wax qaadaya, daqraya, afduubaya anuu baahi shakhsi ah u samaynayn falka iyo inuu isagu ‘samaysanayo’ falka oo dan ka leeyahay.

”Qofka gaari kuu joojiya wuu ku qaaday. Hadduu xoog kugu saaray gaarigana wuu ku qaatay. Farqigu waa inuu isagu danaysanayey iyo inuu adiga kuu danaynayey. Marka ‘waa la afduubay’ iyo ‘waa la afduubtay’ labaduba waa ila saxan yihiin.”

Hadalsame Media