”Somalia waan raalli gelinaynaa!” – North Korea oo Somalia ku camiratay kaddibna…

0

(Pyongyang) 05 Dis 2021 – Bog sheeganaya inuu yahay mid ay leedahay dowladda North Korea ayaa farriin uu Maraykanka ku maagayey kusoo daray dalka Somalia.

”Carruurta la askareeyo waxay ku badan yihiin dalalka faqriga ah sida Somalia iyo Maraykanka, balse waa ka mamnuuc Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Dadka Kuuriya. Waxaa askari lagu qoran karaa da’da 18-jirka,” ayaa lagu yiri qoraalka hore.

Waxaana sheekada sawirka lagu lifaaqay gaari tikniko ah oo u muuqda kuwa Somalia iyo Ethan Crubley oo ah wiil yar oo beri dhowayd Gobolka Michigan ku laayey arday ay isku fasal ahaayeen.

Yeelkeede, shalay ayaa markale lasoo qoray sidatan:

”DPRK News Service wuxuu raalligelin daacad ah siinayaa muwaadiniinta Somalia oo aan ugu gefney barbardhigga Maraykanka. Qorihii iyo tifaftirihii qoraalkan waa la cayriyey.”

Yeelkeede, qoraalka ayaa weli ku jira boggan oo aan sidoo kale lahayn calaamadda tigta ee badanaa la saaro hay’adaha dowladda iyo shirkadaha iwm.

Hadalsame Media