Imisa magaalo ayay qabsadeen Ciidanka DF Itoobiya tan iyo markii uu Abiy Ahmed furunta tegey?!

0

(Addis Ababa) 05 Dis 2021 – Ciidanka DF Ethiopia ayaa todobaadkan qabsaday inta badan degaannadii ay horay u sheeganaysey fallaagada Tigreegu, tan iyo markii uu RW Abiy Ahmed ku dhawaaqay inuu tegey furunta dagaalka.

Bil uun kahor kooxda TPLF ayaa u muuqatey inay gacanta sare u yeelanaysey si isa soo taraysey, iyagoo si isu dhowayd u qabsaday Dessie iyo Kombolcha, kuwaasoo ay maraan jid-waynayaal muhim u ah sahayda Addis Ababa, iyagoo gaarey Shewa Robit, oo ilaa 220 km (135 miles) uun u jirta caasimadda, iyadoo ay Safaarado badani ka qexeen magaalada.

“Cadowga waa la burburiyey oo waa lakala daadiyey.” ayaa mar qura kasoo yeertey Abiy Ahmed oo la hadlay Wakaaladda Wararka dalkaasi, waloow aanay jirin cid 3-aad oo la xiganayo.

DF ayaa haatan kaddib markii ay qabsatay magaalooyin dhanka Cafarta ah, misna ay Arbacadii qabsadeen Lalibela, oo ah magaalo dhaqan oo muhim u ah UNESCO oo ay TPLF bishii Agoosto ka qabsatay Amxaarada, waxayna misna sheegeen Jimcihii inay qabsadeen Dessie iyo Kombolcha.

“Woxoogaa waan la yaabay weerarkan rogaal-celiska ah ee dowladda oo ismaan lahayn sidaa ayay u guulaysan karaan maadaama tababarkoodu xitaa aanu fiicnayn.” ayuu yiri Mehdi Labzae, oo ah nin yaqaan cilmiga bulshada oo ku sugan Ethiopia.

Hadalsame Media