”Reer miyi Soomaali ah ayaa deked ku dhisay lacag ay jeebkooda ka dhiibeen!” – Afrika oo hadal haysa Dekedda Garacad + Sawirro

0

(Garacad) 28 Nof 2021 – Markabkii ugu horeeeyay oo sida shixnad qalab ah ayaa saaka kusoo xirtey Dekedda cusub ee Garacad ee Gobalka Mudug.

Markabkan soo xirtey waxyaabo uu ku jiro isla qalab lagu dhameystirayo Dekedda Garacad, oo dhismaheedu uu haatan meel gaba-gabo ah marayo, sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ihi.

Yeelkeede, arrintan oo si wayn maanta u haysata baraha bulshada ayaa wuxuu warku xitaa gaarey baraha bulshada Afrika, waxaana soo qaatay bogga Twitter-ka ee New African Facts oo soo qoray sidatan:

”Reer miyi Soomaali ah ayaa dekeddan ku dhisay wax ka yar 10 bilood iyagoo adeegsanaya lacag ay iska ururiyeen,” ayay qoreen.

”Waa dekeddii 3-aad oo ay lacag ay jeebooda ka dhiibeen ku dhisaan muddo 2 sanadood ah waxayna u adeegi doontaa bulshada bartamaha Somalia.” ayuu raaciyey bogga New African Facts.

Dabcan xogtani ma wada saxna balse ugu yaraan muhiimaddu waa inay arrintani heleeyso hadal hayn heer qaaradeed ah.

Hadalsame Media