Maxay AC Milan u baahan tahay si ay ugu soo baxdo wareegga 16-ka ee CL?!!

0

(Hadalsame) 25 Nof 2021 – AC Milan, ayaa marna dhow marna aad uga dheer inay soo baxda wareegga bug-baxda ee CL, waayo marka laga yimaado howsha adag ee ah inay garaacdo Liverpool oo xilligan ka mid ah kooxaha ugu adag Yurub Liverpool marna aan laga badin dhanka CL fasalkan, misna waa in uu nasiibku la jiraan.

Haddaba, imisa siyood ayay Milan kusoo baxdaa?

Haddii ay barbarro galaan Porto iyo Atletico, oo ay Milan badiso waxay kusoo baxdaa 2-aad oo waxay yeelanaysaa 7 dhibcood, 6 Porto iyo 5 Atletico.

Sida kale ee 2-aad waa iyadoo ay badiso Atletico kulanka Porto, Milan iyada mar kasta badis ayaa looga fadhiyaa. Marka ay halkaa joogto waxay Milan iyo Atleti wada yeelanayaan min 7 dhibcood.

Yeelkeede, goolasha ay kala dhaliyeenna waa 2-2 min hal jeerna waa kala badiyeen (1-2 iyo 0-1), sidaa darteed, waxaa lagu kala saarayaa farqiga goolasha oo ay haatan Milan ku sarrayso, waayo goolasha lagu leeyahay waa -2, halka Atleti lagu leeyahay -3.

Haddii ay FC Porto garaacdo Atleti, Milan waxa qura ee ay quud darrayn kartaa waa kaalinta 3-aad ee lagu aado Europa League, taasoo lafteedu dhibco ku filan u baahan.

Lacalla haddii ay AC Milan garaacdo Liverpool 1-0 isla markaana ay Atletico Madrid ku badiso 2-0 kulanka Porto, waxaa la qiimayn doonaa inta jaalle ama roose ee ay kooxuhu kala qaateen.

Hadalsame Media