Itoobiya oo dalkeeda ka cayrisey howlwadeenno ka tirsan QM (Nin Soomaali ah oo ku jira)

0

(Addis Ababa) 30 Sebt 2021 – DF Itoobiya ayaa Persona non Grata u jartay ilaa 7 howlwadeen oo ka tirsan hay’adaha QM ee jooga dalkaasi.

Dadkan ayay DF Itoobiya ku dhaliishay inay “faraha la galeen arrimaha gudaha Itoobiya”, sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay WaD Itoobiya.

Waxaa 7-da qof oo ugu dambayn ay tahay inay maanta ka huleelaan Itoobiya ka mid ah nin Soomaaliyeed oo la yiraahdo Siciid Maxamuud Xersi, Isu Duwaha Howlaha Aadminnimada ee QM ugu qaybsan Itoobiya.

Itoobiya ayaa ka mid ah dalalka ay QM ku leedahay xarumaha waawayn ee Afrika.

Hadalsame Media