XOG: Sarkaal booliis ahaa oo isu xilqaamay baarista qaraxii lagu diley Inj. Yariisow oo isna la diley

0

(Muqdisho) 23 Sebt 2021 – Jen. Cabdalla Cabdalla oo ahaa Taliye Xigeenkii hore ee NISA ayaa sheegay in dadka loo khaarajiyey kiisas ay ogaayeen ay ka badan yihiin Ikraan Tahliil.

Wuxuu ka hadlay nin sarkaal ahaa oo uu sheegay in loo diley dabagal uu ku wadey sida uu u dhacay iyo ciddii ka dambaysey qaraxii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku dhinteen madax fara badan oo Maamulka ka tirsanaa oo uu Guddoonkii ku jirey.

”Maxamed Cisman Abkow Cambuure, Alle ha u naxariistee wuxuu ahaa sarkaal Boliis ah, iyo darawalkii khaaska ahaa ee AUN Eng Yariisow, wuxuu isku xilqaamay isaga iyo saraakiil kale oo Booliis iyo NISA ah inay baaris gaar ah ku sameeyaan qaraxii Eng Yarisow,” ayuu warkiisa ku bilaabay.

”Waxaa dhacday in Bishii Febraayo 20-keedii ee sannadkii aanu soo dhaafnay ee 2020-kii, Maxamed Cisman Abkow Cambuure, Alle ha u naxariistee, lagu khaarajiyay ama lagu dilay agagaarka Godka Jilicow, sababta ka dambaysa dil kiisa Weli cid baartay iyo cid loo xiray majiraan. Haddaba waxaa la is weeydiinayaa dilal badan oo loo gaystay saraakiil iyo askar NISA ahayd ma waxay sababsadeen isla kiiska eng Yariisow.

”Waxaa muhiim ah in furaha Baarista dilalka Saraakiisha NISA ee ay ka mid ahayd Ikraan Tahliil, laga soo bilaabo dilkii Alle ha u naxariistee Eng Yariisow. ayuu raaciyey Cabdalla oo aan soo bandhigin wax caddayn ah.

Hadalsame Media