DHEGEYSO: Xannibaadihii cudurka Covid-19 ee Sweden oo ay wax badani iska bedelayaan (Dowladda oo war cusub soo saartay)

0

(Hadalsame) 23 Sebt 2021 – Xannibaadihii la qorsheeyey in la qaado dabayaaqada bishan Sebt. ayaa sidoodii u socon doona sida ay shir jaraa’id ka sheegtay Wasiirka Dhaqanka & Dimoqraadiyadda, Amanda Lind.

Wasiirka Arrimaha Bulshada, Lena Hallengren (S) ayaa ka jawaabtey sababta aan hadda loo dhaqan gelinaynin baasaboorka tallaalka.

”Taasi lama gudboona baahida aannu haatan qabno, balse xaalku wuu isbedeli karaa.” ayay tiiri Lena.

Johan Carlson, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Daryeelka Caafimaadka Dadwaynaha FHM, ayaa ballan qaaday in hay’addu ay si dhow ula socon doonto in kiisaska cudurku ay sare u kacaan marka ay dhacdo wayn ka wada qayb galaan dad tallaalan iyo kuwo aan weli qaadan.

Hadalsame Media