Hooyada dhashay Ikraan Tahliil oo sheegtay ”meel ay gabadheedu ku jirto” & cidda og

0

(Muqdisho) 20 Sebt 2021 – Qaali Maxamuud Guhaad oo dhashay Ikraan Tahliil ayaa MW Farmaajo ugu baaqday in uu usoo saaro gabadheeda oo ay sheegtay ”inuu ogyahay meesha ay ku jirto.”

Qaali oo ka hadlaysey shir maanta ka dhacay Muqdisho oo lagu taageerayey RW Rooble ayaa hadalkeedani wuxuu furayaa shaki hor leh oo ku aaddan in ay jiraan wax ay hooyadu ogtahay oo aan weli bulshada loo sheegin, maadaama ay ku doodayso inay gabadheedu ”meel uu MW ogyahay ku jirto.”

Ikraan Tahliil ayaa la waayey 26-kii bishii Juun waxaana markii ay 2 bilood ka badan maqnayd ay NISA, oo lagu eedeeynayo inay gurigeeda kasoo wadday, sheegtay in ay Shabaab ku dileen Jubooyinka, waloow aysan caddayn keenin.

Shabaab ayaa iyaguna si cad u beeniyey inay dileen iyo inay wax wacaal ah ka hayaan sarkaaladda maqan toona.

Hadalsame Media