Muxuu yahay mustaqbalka siyaasadda Maraykanka ee Bariga Dhexe kaddib jabkii Afghanistan? (Falanqayn qoto dheer)

0

(Hadalsame) 30 Agoosto 2021 – Muxuu yahay mustaqbalka siyaasadda Maraykanka ee Bariga Dhexe kaddib jabkii Afghanistan?

Maqaalkan waxaa Af Carbeed ku qoray Suleymaan Saalax oo ah macallin aqoonta warbaahinta ka dhiga Jaamacadda Qaahira, ahna mudane baarlamaanka Masar. Wax uu se aragtidan ka soo guuriyay maqaal kale oo uu qoray suxufi Ingiriis ahi.

“Jabkii Soofiyadku ka la kulmay Afganistaan wax uu keenay in ay ka la daadato quwaddii labaad ee caalamka u gu weynayd, waayo dadyowgu ay xukumayay wax ay ogaadeen in been loo sheegayay, sidaas baana Soofiyadku ku burburay markii jamhuuriyadihii uu ka koobnaa madaxbannaani go’aansadeen.

Maxay haddaba ku timid in taariikhdaa dib loo xusuusto maanta kolkii Maraykanku Afgaanistaan ku jabay? Wax aan go’aansaday in aan la socdo waxa ay arrintan ka qorayaan warfidiyeenka iyo mufakiriinta reer Galbeedku si aan u ogaado saadaashooda mustaqbalka. Warfidiyeenkaana waxaa u gu muhiimsan David Hirst kaas oo ah ruugcaddaa saxaafadeed waaya’aragnimana u leh Bariga Dhexe.

Lamafilaantii u gu weynayd David Hirst wax uu ku soo bandhigay maqaal la gu daabacay barta Middle East Eye kuna saabsan kharashka ku baxay faragalintii Afganistaan iyo sida taasi caddayn u gu tahay burburka ilbaxnimada reer Galbeed. Waayo? Faragalintii Maraykanka iyo gaashaanbuurtiisa ee Afganistaan halkudhigga u gu weyni wax uu ahaa la dagaallanka argagixisada, taasina wax ay ahayd halistii Soofiyadka oo la gu beddelay halista Islaamka.

Taas buu David Hirst ku qeexayaa sababtii kowaad ee faragalintaa, oo reer Galbeedku waa in ay goor kasta ka horjeedaan cadaw debedeed si ay dadkooda u mideeyaan u guna jeediyaan xuquuqo badan oo ay dalbana lahaayeen iyo wanaajinta heerkooda nololeed. Sidaa darteed xeeladdoodu ka ma duwana ta madaxda faasidka ah ee dunida saboolka ah, kuwaas oo dareenka iyo cadhada dadkooda ku jeediya cadaw shisheeye halkii ay awoodda saari lahaayeen eegista fashilka gudaha iyo musuqa.

Maxay ku kacaysaa siyaasaddaasi? 

Waxaa la hubaa xarumaha daraasaadka ee Maraykan iyo Yurub in ilaa bilowgii sagaashannadii la is la qaatay in ay Islaamka ka dhigaan cadawga reer Galbeedka, ayna u ekaysiiyaan in uu halis ku yahay nolosha dadkooda iyo horumarka ay gaadheen. Dabadeed waa kii Bush soo dhigay wayddiintii caanka ahayd: Maxay inoo neceb yihiin?

Waxaa cad in warbaahinta reer Galbeedku ay doodda dawladda Maraykanka ku saleeyeen ka jawaabidda wayddiinta: Wax ay inoo neceb yihiin in aynnu ka horumarsan nahay oo ka fiican nahay. Su’aasha iyo jawaabtuba wax ay ahaayeen majarahabaabin ku socota dadweynaha reer Galbeedka si ay u taageeraan colaaddii Maraykanku ku qaaday Afganistaan iyo Ciraaq. Muxuu se ahaa qiimaha ay taasi ku kacday dadka Maraykanka iyo guud ahaan dadyawga reer Galbeed?

La soco qayb kale….

Waxaa Qoray: Suleymaan Saalax

Waxaa Tarjumey: Ibraahim Hawd Yuusuf

Hadalsame Media