DHEGEYSO: ‘Inta dumarka daroogeeyo ayuu deedna kufsanayey!” – Nin 24 gabdhood kufsaday oo maxkamad lasoo taagey

0

(Stockholm) 26 Agoosto 2021 – Waxaa maanta bilaabmaysa dhegeysiga dacwad ka dhan ah nin kiiskiisa loogu yeero Nytorgsmannen. Ninkan oo 34-jir ah kana soo jeeda Södermalm oo ka tirsan Stockholm ayaa loo haystaa 24 kiis oo kufsi oo uu weliba midkood aad halis u tahay.

Wakaalladda wararka Ekot ayaa la hadashay qarreenadda Paola Huldtgren, oo ka mid ah qarreennada u doodaya haweenkii lagula kacay kufsigan xilka leh.

Haweenka ninkan ashtakeeyey ayay qaarkood sheegeen inay miyir qabeen markii la kufsanayey, balse qaar badan ayaa sheegay inaysan warba u haynin xilligii la kufsanayey, waxaana la sheegay inuu ninkani daroogeeyey dumarka qaar, isagoo marar badan film ka duubayey marka uu kufsanayo flmkaasoo ay booliisku iminka gacanta ku hayaan kaddib markii ay moobiilkiisa iyo kumbiyuutarradiisa ka heleen.

Hadalsame Media