Fly Emirates oo shalay jab kala kulantay Kabul oo ay duullimaad ku lahayd

0

(Dubai) 16 Agoosto 2021 – Dayuuradda Emirates ayaa waxaa ka khasaaray duullimaad guud ahaan qaatay 5 saacadood iyo bar kaddib markii la weeciyey dayuurad ka kacday Dubai iyadoo u socotey Kabul oo ah caasimadda Afghanistan.

Duullimaadka oo ay sumaddiisu ahayd EK640 ayaa Dubai ka dhaqaaqay 7am (UTC) isagoo ku jeedey magaalada Kabul, gaar ahaan Hamid Karzai International Airport maalintii shalaytoole.

Yeelkeede, markii ay hawada ku jirtey 2 saacadood iyo 14 daqiiqadood, waxay dayuuraddan oo ah kuwa ballaaran ee Boeing 777 ay bilowday inay kasoo degto joog dhan 37,000 oo cagood iyadoo timid 28,000.

Waxay muddo ku dul wareegaysey hawada Kabul, kahor intii aanay dib ugu laabanin dalka Imaaraadka iyadoo Dubai ku degtey 5 saacadood iyo 34 daqiiqadood kaddib.

Sida ka muuqata webka FlightRadar24 oo laga arki karo khadkii dayuuradda oo noqday mid aan meelna u soconin, waxaa la qaatay go’aan ku salaysan in la ilaaliyo amaanka rakaabka, kaddib markii ay magaalada qabsadeen Daalibaan intii ay dayuuraddu soo socotey.

Waxaa haatan ay dalal uu Maraykanku ku jiro ay hakiyeen howlihii daad guraynta kaddib markii ay maanta hawada kasoo daateen dad dhinacyada qabsaday dayuurad ay leeyihiin Ciidanka Maraykanku.

Sidoo kale 3 dayuuradood oo uu Jarmanku soo diray ayaa degi waayey, waxayna u weecdeen caasimadda Uzbekstan ee Tashkent kaddib markii ay ku degi waayeen Garoonka Kabul, kuwaasoo ahaa nooca xamuulka ee A400M, sida uu Lieutenant General Markus Laubenthal u sheegay ZD

Hadalsame Media