RW Rooble oo Nairobi ku wajahan & arrimo badan oo la isku hayey oo heshiis laga gaarayo

0

(Muqdisho) 07 Agoosto 2021 – Waxaa soo baxaya xogo hoose oo sheegaya inuu Muqdisho tegayo wefdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Kenya kuwaasoo la kulmaya madaxda Somalia.

Balse xog kale ayaa sheegaysa inuu Nairobi u dhoofayo RW Somalia, Maxamed Xuseen Rooble, kaasoo halkaa kula kulmi doona madaxda Kenya oo uu ku jiro MW Ahuru Kenyatta.

Wararku waxay intaa raacinayaan in laga heshiinayo arrimo dhowr ah oo awal horay la iskugu hayey, kuwaasoo ay ka mid yihiin dhoofinta Jaadka Kenya ee haatan xayiran, isu socodka dadwaynaha iyo badeecooyinka iwm.

Koox u gogol xaaraysa booqashada RW Rooble ayaa la sheegayaa inay durba gaartey magaalada Nairobi.

Dabcan ma aha markii ugu horreeysey ee ay kulmaan RW Rooble iyo Kenyatta oo sidoo kale horay iskugu arkay caleemo saarkii MW Jabuuti oo ay ka wada qayb galeen.

Hadalsame Media