Gabar Muqdisho lagu la’yahay 17-maalmood oo lagu eedeeyey hay’adda Nabad Sugidda NISA

0

(Muqdisho) 13 Luulyo 2021 – Hooyo la yiraahdo Qaali Maxmuud Guhaad ayaa sheegtay inay Muqdisho ku la’dahay gabadheeda oo lagu magacaabo Ikraah Tahliil Faarax taasoo la la’yahay tan iyo 26-kii Juun.

Gabadha ayaa la sheegayaa inay guriga ka baxday 20:03 daqiiqadood iyadoo lagu qaaday gaari lagu tuhmayo inay leeyihiin hay’aadka amniga gaar ahaan NISA, sida ay hooyadu u sheegtay Universal TV.

Gabadha la la’yahay oo UK wax kusoo baratay ayaa Somalia u tagtay inay howlo ka qabsato, iyadoo haatan maqan 17 maalmood meel lagu ogyahayna aysan jirin.

Ehelada gabadhu waxay farta ku fiiqayaan NISA balse ma aysan bixin tafaasiil dheeri ah, iyagoo madaxda DF ka codsaday in arrintan wax laga qabto.

Hadalsame Media