Masar oo ka fikiraysa inay tillaabo millateri ka qaaddo Itoobiy (Somalia oo ay ku tashanayso & caqabadaha hor taagan)

0

(Qaahira) 04 Luulyo 2021 – Dowladda Masar ayaa la sheegayaa inay tillaabo ciidan u adeegsan karto Biyo-xireenka ay Itoobiya dhisayso, waloow ay ka cabsanayso cawaaqib siyaasadeed, amaan iyo mid bulsho.

Masar ayaa gobolka gaar ahaan dalaka Djibouti, Eritrea iyo Somalia, waxay ka raadisey saldhig ciidan si ay ciidamadeeda halkaa u gayso, balse taasi uma suurtogelin.

Dookha istaraatiji ahaan haatan ugu habbooni waa Djibouti oo ka mid ah meelaha ugu muhiimsan Geeska Afrika, balse waa dal ay dan wayni kala dhexeeyso Itoobiya oo 80% percent wax kala degta halkaasi, waxaa sidoo kale dalkaa saldhigta ciidamada Maraykanka, Faransiiska, Talyaaniga, Chinese, Japanese iyo Sucuudiga.

Sidoo kale, waxaa tillaabo ciidan oo ay Masar qaaddo caqabad ku noqonaysa in Itoobiya aysan lahayn wax xeeb ah, sidaa darteedna, ay adag tahay in laga qaado tillaabo ciidan oo dhulka ah. Waxaa dheer in xuduudaha Itoobiya ee Galbeedka iyo Woqooyigu ay yihiin dhul raf ah oo buuraleey ah oo aan ku habboonayn duullaan ciidan.

Dookha kale waa Sudan, balse waa dal ku jira xaalad kala guur ah kaddib markii la ridey kali taliskii Cumar Xasan, waxaana ka jira saamileey fara badan oo aan isku aragti ahayn min cilmaani ilaa culumo, taasoo adkaynaysa in Sudan yeelato aragti siyaasadeed oo caalami ah oo micne leh.

Waxaa sidaas oo kale ah welibana kaba sii liidata Somalia, oo waloow aysan daniba ugu jirin in uu dal kale u adeegsado gaashaan uu Itoobiya iskaga dhigo aan lahayn siyaasad dibadeed walaa mid gudeed oo hal go’aan leh.

Eritrea iyadu hadda waxayba olog rasmi ah la tahay nidaamka ka taliya Addis Ababa, waxaas oo dhami waxay adkaynayaan fursad ay Masar ku samayso tillaabo ciidan oo ka dhan ah Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD, waloow ay sidaa aad u jeclaan lahayd.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media