Tigreega oo sheegay halka ay u socdaan & Imaaraadka oo la hadlay RW Abiy Ahmed (Waxa sahley guusha Tigreega ee Maqalla?)

0

(Addis Ababa) 29 Juun 2021 – “Annaga ayaa 100% gacanta ku hayna Maqalla,” ayuu yiri Getachew Reda, Afhayeenka TPLF oo la hadlayey Reuters fiidnimadii xalay, isagoo sheegay inay u ruqaansanayaan koonfur iyo bari, si ay inji kasta oo dhulkooda ka tirsan uga saaraan wax uu ku sheegay ”cadowga.”

Reuters ayaa xaqiijisay war sheegayey in Ciidamadii DF Itoobiya halkaa ka joogey ay mar qura banneeyeen jidadka magaalada, kahor intii aanay soo gelin kuwa Tigreega oo lagu soo dhoeeyey heeso iyo calamo.

MAXAA KEENAY JABKA? Ciidamada Eritrea ayaa Talaadadii gebi ahaanba ka baxay magaalada Shire oo ah meel istaraatiji ah oo kulmisa jidad badan oo aada jihooyin kala geddisan.

Dhanka kale, Dhaxal-sugaha Imaaraadka, Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan, ayaa khadka telefoonka kula xiriirey RW Itoobiya ee Abiy Ahmed, iyadoo aan la faahfaahin waxyaabaha ay ka wada hadleen.

Yeelkeede, waxaa warka lagu gaabiyey inay ka wada hadleen xiriirka labada xal iyo xaaladda kasoo cusboonaatey Itoobiya, gaar ahaan dagaallada Tigraay iyo sidoo xasillooni iyo nabad looga heli lahaa Afrika.

Hadalsame Media