Kenya oo dad Soomaali u dhashay kula kacday arrin meel ka dhac ku ah qarannimada Somalia (Dhacdo ugub ah)

0

(Mombasa) 29 Juun 2021 – Lix qofood oo Soomaali ah ayaa lagu xirey magaalada Mombasa iyadoo lagu eedeeynayo inay ku jireen howlo ”tuhun keeni kara iyo argagixiso”, kaddib markii ay calanka Somalia la tageen xeebta magaalada oo ay ku dabbaal degayeen.

Magacyada dadka xiran oo haatan xabsiga sii fadhiyi doona 15 maalmood oo kale ayaa kala ah; Ridhman Issack, Jamal Abdi, Mohammed Bare, Abdimalik Noor, Abdiraffi Sheikh iyo Saad Ibrahim Salat kuwaasoo lagu qabtay xeebta dadwaynaha ee Nyali Sun Africa Sabtigii.

Raggan oo haatan gacanta ugu jira Booliiska La Dagaallanka Argagixisada ee ATPU, ayaa xeebta ugu dabbaal degayey Maalinta Calanka Somalia, balse Booliiska Kenya ayaa arrintaa ku tilmaamay mid lala xiriirin karo ”argagixiso.”

“La tuhunsanayaashu waxay sare u taagayeen calanka Somalia flag waxayna ku heesayeen heeso farxadeed oo Soomaali ah,” ayuu yiri Corporal Gideon Wambua oo sidoo kale sheegay in dadkan la hor geeyey garsoore Rita Amwayi oo Isniintii shalay ahayd amartay in la iska sii hayo, iyadoo sida muuqata aan wax dembi ah lagu haynin.

Cinwaan samaynta dembiga lagu haysto dadkan oo haatan ku xiran Saldhigga Port Police Station, ayay dad badani ku tilmaameen aflagaaddo iyo meel ka dhac bareer ah oo ay Kenya u gaysanayso qarannimada Somalia, maadaama ay khalad tahay in dabaaldegga Calanka Somalia laga dhigo ”fal argagixiso.”

DF Somalia ayaa laga sugayaa inay arrintan la socoto oo ay tillaabo ka qaadato, maadaama aysan sidoo kale dembi ahayn in dal kale lagu dabbaaldego.

Waa markii ugu horreeysey ee dad Soomaali ah loo xiro inay u dabbaaldegayeen Calanka Somalia, iyagoo dal shisheeye jooga.

Hadalsame Media