Dowladda Kenya oo lagala hadlay afduubka soo kordhay ee loo gaysanayo dadka Soomaaliyeed

0

(Nairobi) 20 Juun 2021 – Xildhibaanka Soomaaliga ah ee Baarlamaanka dhexe ee Kenya ku metela Degmada Kamakunji, ayaa wada tillaabooyin xoogan oo ku saabsan xallinta afduubka cabsida badan iyo dilalka loo gaysanayo Soomaalida ku nool magaalada Nairobi.

Siyaasiga Yuusuf Xasan Cabdi oo ay Degmada uu metelo ay hoos tagto Xaafadda Eastleigh ee ay Soomaalidu aadka u deggan tahay uguna ganacsato, ayaa sheegay in uu hay’aadka amaanka Kenya lasoo qaaday arrintan iyo tillaabada ay tahay in laga qaado, maadaama ay iyaga saaran tahay mas’uuliyadda amaan ee qof kasta.

“Laamaha Amniga iyo Nabad Sugidda waxa aan kala hadlay badbaadinta iyo xoojinta nabadgelyada Soomaalida ee afduubka loo geysanayo, waa waajib saaran in ay dabagalaan oo ay qaadaan tillaabooyin degdeg ah oo ku aaddan raad-raaca burcaddaas” ayuu yiri Yuusuf.

Wuxuu Yuusuf dhanka kale Soomaalida la socodsiiyey inay muujiyaan feejignaan dheeri ah iyo taxaddar, gaar ahaan inta lagu jiro xaaladdan calwadaaska badan ku haysa bulshada Soomaalida ee xaaladdana lala tacaalayo.

Arrintan oo todobaadkii ugu dambeeyey weliba sii xoogaysatey ayaa wer wer aad u fara badan ku haysa Soomaalida iyadoo gabdho la afduubtay weli raq iyo ruux la la’yahay, halka hal gabar oo yar dib loo helay.

Waxaa horay sidoo kale loo afduubtay rag iyadoo si xun loo diley Injineer Bashiir oo ahaa qandaraas qaate ku noolaa magaalada Nairobi.

Hadalsame Media