Dadka oo la yaabban dhibaato ay gabar Soomaali ihi u gaysatey mid kale + Sababta aan loo qaateen ahayn

0

(Hadalsame) 13 Juun 2021 – 2021 in haweenkii nin bini’adan dartiis dhagax isku arjumaan ma ahan wax la qaadan karo!

Waxaan u arkaa bahalnimo, damiir xumo, doqoniimo, argagax iyo wax aan marna la aqbali karin qiilna loo samayn karin sida arxan darrada ah ee gabadh muuqaalkeda la wareejinayay baraha bulshada ay madaxa dhagax ugaga dilayso gabadh walaasheed Soomaaliyeed ah.

Ma masbaa! Ma bahal baa! Miyaanay bini’amad walaasheed ah oo islaama ahayn? Xitaa xayawaannada sidaas looma dilo? Xitaa baryada ay baryayso miyaanay damqin?!

Waxaa kasii naxdin badan gabadhaas islaameed waxay sidaas ugu galaysaa maxaad ninkayga u shukaansatay?! Ninka ma iyadaa raadsatay mise isagaa doontay? Wixii ay qoonsatay waa inay isaga kala warantaa, waayo isagaa wax ka dhexeeyaan, maxaa gabadhan u geeyey?

Haweenoow, waliba kuwiina sida tan oo kale ahoow godob ha gelina, qofka aad nolosha wadaagtaan isagay wax idinka dhexeeyaan isaga la xisaabtan, haddii aadan ka maarmi karin siduu yahay kula joog oo dhiig islaameed tiisa iyo tu haween toona ha gelin, aysan ahayn walaaleey haddaadan u dulqaadanayn haweenkiisa iyo wuxuu shukaansanayo bannaanka ka mar inta aad ku aduun iyo aakhiro seegi lahayd.

Waxaan ka dagaalamaynay raggu isku mid ma ahee kuwa doqomada ah ee haweenka dilal arxan daran iyo kufsi u geysta, uma dulqaadan karno haween 2021 iyagii dadka isugu soo hormaraya oo dhagax isku dilaya, waa inuu sharcigu shaqeeyaa oo gabadhaasi caddaalad ka heshaa qofta sidaas yeeshay iyo ciddii duubtayba.

Wa billahi Towfiiq.

Waxaa Qortay: Nasro Sabbag

Hadalsame Media