Sida uu noqday xaalka xaaska Eriksen & wararkii ugu dambeeyey ee laacibka + Sawirro

0

(Copenhagen) 12 Juun 2021 – Waxaa cabsi mar qura isu rogtey jawiga guud ee ciyaar ka socotey Parken Stadium oo ku yaalla Copenhagen, caasimadda Denmark.

Waxay ahayd dhamaadkii gelinkii hore ee ciyaarta Denmark-Finland, oo ahaa kulanka 1-aad ee jiirooniga Group B ee Euro 2020, markii uu Christian Eriksen mar qura dhulka ku dhacay.

Waxaa dadkii goobta joogey ka mid ahayd xaaska Eriksen oo lagu magacaabo, Sabrina Kvist Jensen, taasoo markiiba soo gashay gudaha garoonka Parken Stadium iyadoo ay ilmadu daamankeeda ka hibitiqlaynayso.

Schmeichel ayaa markiiba u tegey si uu u niyad dejiyo waxaa sidoo kale hab siiyey oo la hadlay kabtanka xulka Denmark ee Kjaer.

Dhanka kale, UEFA ayaa ku dhawaaqday in Christian Eriksen oo isbitaalka la dhigay kaddib bareelle lagu qaaday isagoo suuxsan, waloow ay sawirrada qaar muujinayaan isagoo soo jeeda in kastoo ay dhici karto inay tahay xilligii isbitaalka, uu haatan xaalkiisu deggan yahay, waloow aysan sheegin inuu gebi ahaanba halis ka baxay.

Hadalsame Media