KACAANKII BEERAHA: Brocolli Dayniile lagu beeray & Baradho Beledwayne ka baxaysa oo lagu guulaystey (Arrin halis ah oo jirta)

0

(Hadalsame) 09 Juun 2021 – Waxaa dalka Somalia ka soconaya kacaan cusub oo dhanka beeraha ah, taasoo keentay in dalka lagu tijaabiyo dalagyo cusub oo aan horay uga bixi jirin.

Waxaa guulihii beereed ee ugu dambeeyey ka mid ah samaynta beeraha dedan ee ku baxa waraabka dhibicda ah ee greenhouses-ka loo yaqaan, waxaana beer noocaas ah oo ku taalla Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir ay haatan ku guulaysatey inay tijaabiso khudaarta loo yaqaan Brocolli oo aan horay dalka uga bixi jirin.

”Bilihii 8-aad ilaa 12–aad ee sandkii hore ayaan isku day tijaabo ah ku beernay baradhada. Waa ay soo baxday laakiin ma aanan sii beerin oo hoowlo kale ayaan uga mashquulnay. Sidoo kale waxaan beernay Kabash (Cabbage) iyo Broccoli oo runtii si fiican u baxay.

”Waa dalag-yo dhmaantood si joogta ah dibadda uga yimmaada, waxaan hubnaa in ay dhamantood waddan-keena si fiican uga baxayaan, waxaana rajeeyneeynaa in aay soo baxaan dhallinyaro iyo beeraleey badan oo u tacbo si weeyn. Dhamaantood waxaan ku tijaabinnat D/ Dayniiille.” Ayuu yiri Cabdiraxmaan Xasan Sabriye.

Dhanka kale, magaallada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan waxaa lagu tijaabiyay abuurka nooc ka mid ah Baradhada aan macaanayn loo yaqaan (Nicola Potato) oo aan dalka si rasmi ah uga bixi jirin, taasoo la sheegayo in tijaabo horaadkii 90% si wanaagsan loogu guuleystay.

Dalka Somalia oo caan ku ah abaaro fasallada sugta oo soo noq noqota taasoo keenta in ay dunida u yaboohsi tagto ayaa u baahan kacaan cusub oo dhanka beeraha ah maadaama aan dhankaa si wanaagsan looga faa’iidaysan, si ay nafteeda u quudiso marka hore kaddibna wax u dhoofiso.

Hal cillad oo ay Hadalsame u sheegeen dadka haatan howlahan ku mashquulsan waa in uu sii dabar go’ayo abuurkii asliga (organic) ahaa ee dalka, iyadoo uu haatan meel walba marayo midka hidde-sidkiisa la macmalay ee GMC ama GMO, kaasoo nasiib darro aysan Somalia wax siyaasad iyo xeer ah ka lahayn, dood badanina ka joogto faya-qabkiisa iyo saamayntiisa caafimaadka qofka.

Hadalsame Media