Muxuu Mahama ku diidey Ergaynimadii uu Midowga Afrika Somalia uga magacaabay?!!

0

(Hadalsame) 21 Maajo 2021 – Ergaygii ururka Midowga Afrika u magacaabay Soomaaliya ee dhexdhexaadinta khilaafkaadka siyaasadeed oo ah madaxweynihii hore ee Ghana, John Dramani Mahama, ayaa sheegay in uu ka tanaasulay aqbalaadii xilka ergaynimo ee Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ay ku saxeexantahay kaaliyaha gaarka ah ee John Dramani Mahama, oo lagu baahiyey bogga rasmiga ah ee uu ku leeyahay internet-ka iyo weliba Twitter-ka, ayaa lagu sheegay in warqad uu u qoray gudoomiyaha Midowga Afrika uu madaxweynaha hore kaga noqday aqablaadiisii hore ee ahayd in loo magacaabay ergayga Soomaaliya u qaabilsan ururka Midowga Afrika

“Isaga oo uga mahad naqay Midowga Afrika kalsoonida uu ku qabo, ayaa Mahama waxa uu tilmaamay in muhiimadda weyn ee siyaasadeed ee ay u baahan tahay hawshaa loo xil saaray tahay in uu taageero iyo wadashaqayn aan tuhun lahayn ka helo dhammaan dhinacyada siyaasadeed ee arintu khusayso”.

Warsaxaafadeedkaas ayaa iyada oo arinta la sii faahfaahinayo lagu yidhi “Madaxweyne Mahama oo magacaabistiisa ergeyga Midowga Afrika ay si buuxda u soo dhaweeyeen Golaha Musharaxiinta Madaxweynenimo ee Soomaaliya iyo golaha madaxweyneyaashaa dawlad goboleedyadu, ayaa sidoo kale warqadda uu u diray gudoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, kaga deyriyey in taageero la’aanta dhanka Dawladda Federaalku khatar gelin karto gebi ahaan ba hanaanka oo ay wiiqi karto rajada dunida oo dhami ka qabto in nabad lagu soo dabbaalo dalka Soomaaliya ee sharafta leh”.

Dowladda Soomaaliya ayaa diiday inay aqbasho ergaygaa gaarka ah ee uu Midowga Afrika u magacaabay.

Warqad wasaaradda arimaha dibadda Soomaaliya u dirtay gudoomiyaha Midowga Afrika, ayey ku wargalisay in aanay aqbalayn oo aanay ku taageeri doonin Mahama hawshaa ururku u igmaday.

Sida ay qoreen wargeysyo uu ka mid yahay Daily Nation oo ka soo baxa Kenya, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq, ayaa sheegay in madaxweynahaa hore ee Ghana gacansaar la leeyahay madaxda Kenya, walow aanu caddaynin nooca uu yahay xidhiidhkaasi.

Waa kuma John Mahama?

John Dramani Mahama
John Dramani Mahama
 

John Dramani Mahama wuxuu waddanka Ghana xukumayay intii u dhaxeysay sanadihii 2012 ilaa 2017-kii. Wuxuu dhashay 29-kii bishii November ee sanadkii 1958-kii, da;diisuna waa 62 sano.

Kahor inta uusan madaxweyne noqonin, wuxuu ahaa wasiirka wafraafinta kaddibna wuxuu noqday madaxweyne ku xigeenka Ghana.

Xilka madaxweynaha wuxuu qabtay kaddib markii uu geeriyooday madaxweynihii ka horreeyay isaga, John Evans Atta-Mills, oo dhintay bishii July ee sanadkii 2012-kii. Isagana waxaa xilka lagala wareegay sanadkii 2017-kii.

Mr Mahama wuxuu shaqooyinkiisa xirfadda ah markii ugu horreysay ku billaabay macallinnimo, wuxuuna ardayda bari jiray maaddada taariikhda.

Waddanka Ghana wuxuu ka tagay sanadkii 1981-kii. Sanadkii 1988-kii ayuu shahaadada aqoonta cilmi nafsiga ka qaatay jaamacad ku taalla magaalada Moscow ee dalka Ruushka. Markii uu ku laabtay dalkiisa wuxuu markii ugu horreysay ka shaqo billaabay safaaradda Japan.

Sanadkii Sanadkii 1996-dii ayaase loo doortay inuu xubin ka noqdo baarlamaanka waddanka Ghana, sidaasna waxaa ku billowday waayadiisa siyaasadda.

Sanadkii 2016-kii isagoo mar kale damacsan in loo doorto xilka madaxweynaha ayaa looga guuleystay doorashada. Waxaa haddana looga adkaaday doorashadii madaxtinnimada ee sanadkii 2020-kii ka dhacday Ghana.

Xigasho: BBC

Hadalsame Media