YAAB: Israel oo aayad Qur’aan ah usoo daliishatey duqaymaha waxashnimada ah ee ay ka waddo Gaza (Waa aayaddee?)

0

(Tel Aviv) 19 Maajo 2021 – Israel ayaa Twitter-keeda rasmiga ah ee af-Carabiga soo marsiisay farriin ay ku daliishanayso aayad Qur’aan ah oo ku jirta Suuradda Maroodiga, oo ay usoo qaadatay duqaymeheeda waxashnimada ah ee aan kala sooca lahayn ee Gaza.

Tweet-kan ayay kusoo qaateen aayad ku jirta Surah Al-Fil, taasoo ka hadlaysa sidii Ilaahay u ciqaabay asxaabtii Maroodiga, kuwaasoo qarniyo badan kahor soo weeraray Kacbada si ay u burburiyaan.

“Miyaanad arag, sida uu Ilaahay yeelay asxaabtii Maroodiga?” ayay kusoo qoreen tweet-ka, iyagoo soo qaadaya isla aayadda 1-aad ee Suuradda Maroodiga, iyadoo aysan arrintani micne samaynayn, maadaama aysan Yuhuuddu rumaysnaynba Qur’aanka.

“Tani waa awoodda Ilaahay ku taageerayo dadka wanaagsan oo uu uga hiillinayo kuwa xun, maadaama ay Xamaas tahay gacanta dheer ee Iiraan oo dab gobolka ka hurinaysa,” ayay daba dhigeen, iyagoo dulmiga ay ku xasuuqayaan shacabka Falastiin dadka uga dhigaya mid ”Ilaahay raalli ka yahay.”

Israel ayaa sidoo kale muujinaysa il adayg iyo xishood la’aan ku aaddan in dadka ay duqaynayaan iyo guryaha ay duminayaan oo ay ku jiraan kuwo warbaahineed ay wada yihiin ”xarumo Xamaas leeyihiin.”

Ciidamada Yuhuudda ee Gaza weeraray Maajo 10, ayaa ilaa haatan laayey 212 qofood oo ay ku jiraan ugu yaraan 61 carruur ah, iyo 35 haween ah, halka ay dhaawaceen in ka badan 1,400 oo qof, dhanka Gaza oo qura.

Hadalsame Media