Hab-raaca Shirka Muqdisho ka furmaya oo lasoo bandhigay (Maxaa ka mid ah?)

0

(Muqdisho) 19 Maajo 2021 – RW Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay shirka lagu wado inuu berri ka furmo magaalada Muqdisho ee lagu doonayo in lagu xalliyo ismariwaaga mudada taagan ee doorashada dhexe.

RW Rooble oo shirka guul u quud darreeyey ayaa soo saaray qoraal ka samaysan hab-raac ilaa 5 qodob oo muhim ah, kuwaasoo kala ah sidatan:

1 – Waxaan  u diyaar garownay shirka golaha wadatashiga Qaran ee dhameystirka arrimaha doorashooyinka.

2 – Waxaan filayaa in si habsami leh uu noogu furmo, guulna noogu dhamaado, si dalku u aado doorasho daah furan oo heshiis lagu yahay.

4 – Siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed waxaan uga mahadcelinayaa taageeradooda dadaallada aan wadno, waxaana ka codsanayaa garab istaag.

5 – Waxaan Eebbe ka baryayaa inuu howshan noo fududeeyo.

Umadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ayaa si wayn isha ugu haysa shirkan oo ay muhim tahay inuu guulaysto, si uu dalku uga baxo cakirnaanta ay gelisey hoggaan xumo ka timid DF iyo mas’uuliyad darro ka jirta dhanka mucaaradka.

Hadalsame Media