Qaban qaabada Shirka Teendhada ee 20-ka bishan oo Muqdisho ka soconaya (Wefdi ka socda gobollada oo yimid)

0

(Muqdisho) 16 Maajo 2021 – Waxaa durba Muqdisho ka muuqanaya saansaanta shirka XF iyo Maamul-goboleedyada, kaasoo lagu wado inuu 20-ka bishan Maajo ka furmo magaalada Muqdisho oo ay haatan soo gaareen wefdi qaban qaabo ah oo ka socda Maamullada qaakood.

Dhanka kale, Guddiga Qaban qaabada Shirka ayaa iyaguna maanta Muqdisho ku kulmay si ay uga wada arrinsadaan sida ugu hufan uguna sahlan ee loo agaasimi karo shirkan oo muhim u ah aayaha dalka.

Maxamed Ibraahim Macalimuu, Afhayeenka Xukuumadda RW Rooble ee xil-gaarsiinta ah ayaa caddeeyey inuu xowli ku soconayo agaasinka shirka uu horay ugu dhawaaqay RW Rooble.

“U diyaar garowga Shirka 20 May oo ay kaqayb galayaan dowladda, dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa socda, waxaana  Gudiga qaban qaabada ee ka socda  Maamul goboleedyada ay maanta soo gaareen  Magaalada Muqdsiho, waxaana kulankan soo qaban qaabiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha,” ayuu soo qoray Ibraahim Macalimuu.

Diyaar garaynta shirkan muhimka ah ayaa imanaya jeer ay Midowga Musharrixiintu ay durayaan dhexdhexaadnimada RW Rooble oo ay ku eedeeyeen inuu ”ka yara weecday dhabbihii horay loo jeexay”, balse sida muuqata ma jirto halis wayn oo ku aaddan inay taasi caqabad ku noqoto shirka 20-ka bishan.

Hadalsame Media