Kenya Airways oo war rasmi ah oo siyaabo kala duwan u fasirmaya kasoo saartay duullimaadyo la sheegay inay ka bilaabayso Hargaysa

0

(Nairobi) 12 Maajo 2021 – Sharikadda Calan-sidaha Kenya ee Kenya Airways ayaa War rasmi ah kasoo saartay warar sheegayey inay duullimaadyo toos ah ka bilaabayso magaalada Hargaysa oo ah caasimadda Maamulka Somaliland.

Kenya Airways ayaa qoraal kooban oo ay Twitter-keeda rasmiga ah ku faafisey waxay meesha uga saartay inuu jiro wax qorshe ah oo ay dhowaantan ku bilaabayso wax duullimaad ah oo Hargaysa ku xiraya Nairobi.

”Waxaan jeclaan lahayn inaan sharraxno in aynaan lahayn wax duullimaadyo ah oo u dhexeeya Nairobi, Kenya iyo Hargeisa, Somaliland waqti xaadirkan,” ayay soo qoreen.

”Qorshayaashani haatan sugitaan ayay ku jiraan oo waa madlan yihiin iyagoo u xayiran ogolaansho.” ayaa la daba dhigay war diblomaasiyad ahaan loo weereeyey oo aan lagu xusin cidda rukhsadda laga sugayo.

Kenya Airways ayaan sidoo kale qoraalkeeda ku xusin inay Somaliland dal u aragto iyo inuu yahay Maamul ka tirsan nidaamka Federaalka ah ee Somalia toona, waloow marka qoraalka sare la eego ay caasimadaha labada dhinac ay kala raaciyeen Kenya iyo Somaliland.

Warkan ayaa kusoo beegmaya jeer ay Hay’adda Duullimaadyada Rayidka ah ee KCCA shalay ku dhawaaqday inay Kenya gebi ahaanba hakisay duullimaadyadii tegayey ama ka imanayey dalka Somalia guud ahaanba muddo 3 bilood ah marka laga reebo kuwa gargaarka iyo QM.

Hadalsame Media