SAWIRRO: Somaliland oo laga hirgeliyey hannaan waraab oo casri ah oo laga heli doono calafka xoolaha & dalka ku deeqay

0

(Hargaysa) 06 Maajo 2021 – Safaaradda Maraykanka ee Somalia ayaa war ay Muqdisho kasoo saartay ku sheegtay in beero xoolaad oo Somaliland ku yaalla la siiyey agabka waraabka oo casri ah.

Safaaradda ayaa sheegtay in barnaamijkani uu qayb ka yahay Mashruuca GEEL ee ay waddo hay’adda Kaalmada iyo Horumarinta Caalamiga ah ugu qaybsan Maraykanka ee USAID.

Agabkan ayaa la gaarsiiyey 5 beer-xoolaad oo geela lagu dhaqo, kuwaasoo u kaashan doona waraabka cows nooc gaara ah oo ah kuwa hidde-sidkiisa la macmalay.

Safaaradda ayaa sheegtay in tillaabadan laga dhaxli doono laba faa’iidado oo waawayn: a) ilaa 50 qof oo shaqooyin ka heli doona iyo b) caano badan oo geel oo laga heli doono.

Somalia ayaan xeer ka lahayn adeegsiga farsamooyinka casriga ah ee GMC oo ah dalag hidde sidkiisa la bedeley, iyadoo beeraha dalka haatan laga la’yahay abuurkii asalka ahaa oo sii baaba’aya.

Waraabka noocan ah ayaa waxaa Somalia ugu dambeeyey Mashruucii Sonkorka Jubba ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Hadalsame Media