Ilmahaa yar ee Abiy gacanta hayaa wuxuu leeyahay taariikh ka duwan midda sawirku muujinayo

0

(Hadalsame) 02 Maajo 2021 – Wiilka Abiy!! Ilmahan yar ee uu Abiye wato ee uu maanta suuqa ulasoo baxay aan xogtiisa idin siiyo.

Maalmihii uu Abiye xilka Raysal Wasaarenimo qabtay ayaa meel jid ah oo qashinka lagu tuuro lagu arkay ilma yar oo dhawr maalmood jira oo intii kartoon lagusoo riday qashinka la ag dhigay.

Kaddib dadkii arkay ayaa booliska wargeliyay ,

Booliskuna way qaadeen. Intaas Kaddib Abiye Ayaa sheekadii maqlay, wuxuuna dhahay “ilmahaa yar aniga ha la isiiyo, anigaa korsanayee.“

Kaddib sidii ayuu kula wareegay Abiye. Abiye Axmad caadiyan wuxuu leeyahay sadex carruur ah sadexduba waa gabdho ilmahan yar ee uu soo korsaday waa wiil isagaana ku afar ah.

Wiil ka kaliya ee uu Abiye haysto ayuu noqday ilmihii jidka lagu tuuray. Maanta ayuu Abiye soo kaxaystay wiilkii yaraa oo waynaaday.

Sideed u aragtaa arrinkan?

FG. Sawirka koobaad waa maalinkii koobaad ee xaaska Abiye lagu wareejiyay ilmaha yar .
Labada sawir ee kalana waa maanta iyo Abiye oo wiilkii yaraa wata .

Wabilaahi tawfiiq

Waxaa Diyaariyey: Cabdisalaam sheekh Xasan

Hadalsame Media