“1988-kii hooyaday baa igala soo qaxday Gabiley, maantana iyada oo 80-jir ah ayaan Muqdisho kala qaxay” – Siyaasi ka hadlay inta jeer ee uu qaxay & nasiib xumada Somalia

0

(Muqdisho) 27 Abriil 2021 – July 1988 ayay Hooyadey igala soo qaxdey dagaalo ka dhacay Gabiley oo aanu soo galnay Muqdisho.

January 1991 ayaanu haddana ka qaxney magaalada Muqdisho. November 1991 qax kale ayaanu galnay ilaa markii dambe colaaddihii is daba joogga ahaa igu khasbeen inaan dalkaba ka hayaamo.

Maanta April 2021 Hooyadey oo 80 jir ah baan la qaxey. Waxaana muuqata shacabka iyo madaxda dadkeenu in aaney fahmin halka laynaga heysto, dhibaatooyinkii aanu soo marneyna aaney waxba ka baran.

Murug, maanqal iyo ciil! Joogta ah in aanu ku jirno waa nasiib darro biirtay, waxaase kasii xanuun badan in aanay muuqan sifo lagu joojin karo in aan wixii nagu dhacay iyo ta nagu socotaba aanay mar dambe nagu dhicin.

Hadeynaan caqliga kulmin oo aan la helin indheer garad si fog uga fakara baajinta dhibka joogtada ah ee aan ku jirno. Waligeen kama baxeyno.

Waxaan aad uga baqayaa aniga oo 80 jira waaba hadii aan gaara’e, in anna wiilkaygu ila qaxo.

Waxaa Qoray: Cabdikariin Cali Kaar

Hadalsame Media