Ruusha oo xirtey Badda Black Sea & Maraykanka oo aad uga caroodey (Cabsi laga qabo weerar uu ku qaado Ukraine)

0

(Washington, DC) 21 Maarso 2021 – Wasaarad Dibadeedka Maraykanka ayaa “daandaansi ka dare ah” ku tilmaantay qorshaha uu Ruushku ku xiranayo qaybo ka tirsan Badda Black Sea, taasoo keeni karta in ay reer Galbeedku galaangal u waayaan Dekedaha Ukraine.

Maraykanka iyo reer Yurub ayaa walaac ka muujiyey ciidanka uu Ruushanku kusii daabulayo xadka Ukraine, iyagoo xitaa muujinaya cabsi ah inay Moscow qorshaynayso inay dalkaa yar ku duusho, iyadoo taageerta jabhad ka dagaallamaysey bariga dalkaasi tan iyo 2014-kii oo ay ka goosatay jasiirad u ekaha Crimea.

Warbaahinta Dowladda ayaa sheegtay in Moscow ay qorshaynayso inay xirato qaybo ka tirsan Badda Black Sea halkaasoo muddo 6 bilood ah laga mamnuuci doono maraakiibta dagaal ee shisheeyaha, taasoo xannibo doonta dekedda Ukraine ee ku taalla Sea of Azov, oo Black Sea kula xiranta Marinka Kerch Strait.

Talaadadii shalay ilaa 20 markab oo Ruushan ah ayaa halkaa ku sameeyey dhoollatus falax gooddin iyo cudud muujin ah, sida ay faafisay Wakaaladda Interfax oo soo xiganaysey war kasoo baxay raxanta Ruushka ee Black Sea.

“Tanni waxay ka dhigan tahay daandaansi ka darid ah oo qayb ka ah olole ay Moscow ku wiiqayso xasilloonida Ukraine,” ayuu yiri Afhayeenka WAD, Ned Price.

Maraykanka ayaa walaac ka muujiyey ciidan ay sheegeen inay Ruushanku dhoobeen xadka Ukraine oo aad uga badan kuwii la arkay tan iyo 2014-kii oo ay ku duuleen kaddibna xuf-goosteen Crimea.

Hadalsame Media