Warbaahinta DF oo laga saaray qoraal ku saabsan geerida MW Chad & mid lagu bedeley + Sababta

0

(Muqdisho) 20 Abriil 2021 – Warbaahinta Qaranka ayaa baraha bulshada ka saartay qoraal ka hadlayey geerida Madaxwaynihii Chad oo u dhintay dhaawac kasoo gaarey furunta dagaalka xilli uu ku shubtay doorashada dalkaasi oo uu xukumayey 31 sanadood.

Warbaahinta Dowladda ayaa qoraalkan hoose kusoo bedeshey qoraalkii hore kaddib markii ay dadwaynuhu moowduucii u weeciyeen dhanka Somalia, iyagoo qoray:

“Ciidamada Chad ayaa Maanta oo Talaada ka shaaciyey telefishanka dawlada geerida Madaxweyne Idriss Déby, kaddib dhaawac ka soo gaarey dagaallo ka dhacay dalkaas.

“Madaxweyne Deby waxa uu hogaaminayay dagaallo ka dhan ah fallaago hubeysan oo weeraro ka geystay dalkaas.

“Dagaallada ayaa maalmahaan ka socday deegaamada Ziki ee waqooyiga gobolka Kanem, kuwaas oo u dhaxeeyay ciidamada dowlada iyo fallaagooyin hubeysan, iyadoo ay ku dhinteen boqolaal qof.”

HALKAN KA AKHRI QORAALKA AY SAAREEN:

Hadalsame Media