Xiriirka Talyaaniga oo sheegay goorta ay bilaabanayso tillaabada uu ka qaadayo kooxaha goostay ee AC Milan, Juventus & Inter

0

(Roma) 19 Maarso 2021 – Xiriirka Kubadda Cagta Talyaaniga ee FIGC ayaa sheegay inuu raaci doono awaamiirta UEFA kaddib markii ay kooxaha Juventus, Inter iyo AC Milan ay ka goosteen kooxaha kale iyagoo ku biiray koob la yiraahdo European Super League, balse waxay sheegeen in wixi ciqaab ihi aanay saamayn doonin horyaalka haatan soconaya.

Sida ku dhigan La Gazzetta dello Sport, ciqaabaha dhici kara, wixii ay noqdaanba, ayaan fasal-ciyaareedkan ugu yaraan saamayn doonin kooxaha camaaliqooyinka ah ee naq-raacay, balse waa wax iman doona wixii ka dambeeya 2020-21.

Inter Milan ayaa 1-aad uga jirta Serie A, halka AC Milan ay 2-aad ku jirto, Juventus ayaa 4-aad taagan, waxaa sidoo kale kulan kale yeelan doona FIFPro saacadaha soo socda.

UEFA ayaa laga sugayaa go’aanka, iyadoo ay kaddib raaci doonaan xiriirrada heerka dal, waxaana ciqaabaha ka mid noqon kara in kooxahan 12-ka ah laga eryo horyaallada maxalliga ah iyo koobabka qaaradeed, in laacibiintooda looga dhaarto ciyaaraha caalamiga ah iwm.

Hadalsame Media